Dalka Norway ayaa waxaa sanadkii sadexaad si heer sare ah looga xusay xuska Mowliidka ee dhalashadii Nabigeenna Muxammad (NNKH).
Xuskan ayaa ka dhacay magaalada Notoden ee gobolka Telemark, waxaana kasoo qeyb galay mashaa`ikh waa-weyn oo caan ah, kuwaas oo ka kala yimid wadamo dhowr ah.
DAAWO FILMKA:
Waxaa xuskan la isaga kala yimid wadamada Ingriiska, Holland, Swedan, Denmark iyo gobolada dalka Norway, waxaana ay dadku kor u dhaafayeen khiyaastii 150 qof.
Goobta xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay quraan akhris, dikri, bun & cambuulo iyo waliba qado caalami ah.
Waxaa khudbado qiimo badan madasha ka jeediyay mashaa`ikhda aan magacyadooda kor ku soo xusnay, waxaana sidoo kale dikri ka qiireysiiyay kasoo qeyb-galayaasha halkaasi ka qaaday culumo iyo xer ka timid dalka Swedan.