|
|
Gabadh Somaliyeed
oo u baahan gar-gaar
Hargeysa, Somaliya (Calanka.com ) 03-Maarso-2010
Shugri Axmed Xaashi waa gabadh aad uula dhiban xanuun kaga habsadey dhinaca cunaha iyo qoorta shugri waxa ay kamid tahay danyarta degan magaalada hargeisa gaar ahaan xaafada Daami isla markaana shugri waxa ay ka soo jeedaa qoys aan awoodooda dhaqaale u saamaxeynin iney geeyaan cusbitaal dibada ah iyadoo dhakhaatiirta dalku u sheegeen inaan waxba lagaga qaban kareyn dalka gudihiisa dibada mooye. Haddaba shugri waxaa xanuunkeedan u dheer takoor ay kala kulantey dadkii ay dariska ahaayeen iyadoo caruurtu marka ay u booqato lagaga qeylinayo oo laleeyahay ha u tagina ee ka joogaa iyo erayo kale oo dhib kaga tagey qalbigeeda.
Shugri ayaa waxaan ku booqdey gurigeeda waxaanan weydiiyey su.aalo waxaana isla markiiba indhaheeda soo hadheeyey ilmo kadibna dareynkeyga ayaaba is badelay oo waan ilmey gaadhey shugri waxa ay awoodi kari weydey iney ka jawaabto su.aalaheyga. Si kastaba ha ahaate waxaan isku dayey mar kale inaan dajiyo dareenka gabadhan waxaanan ku qanciyey iney samirto oo arintani tahay imtaxaan iyo callaamad Alle shugri waa ay ku degtay waanadeydaa. Haddaba akhriste wallaal adigoo mahadsan fadlan soo gargaar gabadhan Waxaanad kala soo xidhiidhi kartaa: Sheikh: Max,ed Mouse Nour(Abu_Sufyaan) oo ah gudoomiyaha hawshan wada T ell: 002522+4482999 Barkhad Jaamac Xirsi Wakiilka hargeisa Email: barkhad404@hotmail.com
:- Dhiibo Fikirkaaga!
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||