k
Wafdi uu hogaaminayo m/weynaha Somaliya oo ka dhoofay Muqdisho
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 07-Maarso-2010

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliya Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoona wafdiga madawaxweynuhu kusii jeedaan magaalada London ee xarunta dalkaasi Ingriiska.

Nairobi ayay ku horeyn doonaan marka hore, halkaasoo ay kulamo kula qaadan doonaan masuuliyiin ka socota beesha caalamka.


M/weynaha ayaa la sheegay in uu casuumaad ka helay masuuliyiinta dalkaasi Ingriiska, waxaana safarkiisan la hadal hayay mudooyinkii u dambeeyay.

Shariif Sh. Axmed ayaa kulan balaaran la qaadan doona jaaliyadda Somalida ee ku dhaqan cariga Ingriiska, iyadoona uu booqashadiisan ay noqon doonto tii ugu horeysay oo uu madaxweynuhu ku tago dalka Ingriiska tan iyo sidii uu xilka madaxtinimo ula wareegay.

Horay ayuu madaxweynuhu kulan balaaran kula qaatay dalka Mareykanka, gaar ahaan Minnesota oo ay Somalidu aadka ugu badan yihiin.

Sawirada R/M



Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Comments (Fikirkaaga)
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: