k
R/wasaaraha Ingriiska oo qaabilay wafdigii m/weynaha Soomaaliya
London, UK (Calanka.com ) 08-Maarso-2010

Ra`iisal wasaaraha Ingriiska Gordon Brown ayaa maanta ku qaabilay magaalada London wafdi uu hogaaminayo m/weynaha Somaliya kuwaasoo saakay gaaray caasimadaasi.

Kulan ku dhawaad 30-mirir qaatay ayaa dhex maray labada dhinac, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka Somaliya.


M/weyne Shariif ayaa codsaday in dowladiisa la siiyo taageeri si ay ugu soo celiyaan Somaliya amni iyo kala dambeyntii ka luntay mudada labaatanka sano ku dhow.

Wafidga madaxweynaha ayaa kulanka Brown kadib la kulmay sidoo kale wasiirka arrimaha dbadda dalkaasi David Miliband, waxayna ka wada hadleen xaalada Somaliya iyo waxa u qabsoomay dowladiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo u badan wasiiro ayaa gaaray magaalada London saakay, waxaana ay ka dambeysay casuumaad ay ka heleen madaxda Ingriiska.

Jaaliyadda Somalida UK ayaa lagu wadaa in ay la qaataan kulan balaaran kaasoo dhici doona maalmaha soo socda.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: