k
|
|
Mareykanka oo lagu maxkamadeynayo nin Eritrean ah oo tababar siiyay al-Shabaab
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 08-Maarso-2010
Nin u dhashay dalka Eritrea islamarkaana lagu magacaabo Maxamed Ibraahiim ayaa maxkamad ku taal magaalada New York ee dalkaasi Mareykanka lasoo taagay kadib markii lagu eedeeyay in uu taageero tababar iyo mid dhaqaale siiyay kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Somaliya. Ninkan oo ay sirdoonka Mareykanku kasoo qabteen dalka Nigeria Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa lagu eedeynayaa in sanadkii 2009-ka uu dhaqaale iyo tababar ku saaciday kooxda liiska argagixisada ugu jirta Mareykanka ee al-Shabaab. Isagoo xiran dharka maxaabiista ayaa lasoo taagay maanta maxkamad ku taal magaalada New York, halkaasoo loogu shiday cajal video ah oo muujinaya isagoo tababar dhiibaya iyo cadeymo kale oo dhaqaale 3000 oo dollar in uu kooxdaasi siiyay cadeynaya. Maxkamada ayaa laga sheegay in ninkani uu xirfad u leeyahay sameynta walxaha qarxa, waxaana lagu eedeeyay in uu casharo ku aadan wax qarxinta ku siiyay maleeshiyaadka al-Shabaab magaalada Kismaayo sanadkii 2009-ka. Dhalasho Swidish ah ayaa la sheegay in uu ninkani haystay, waana tan uu u adeegsanayay markii laga soo qabtay dalka Nigeria. Qareen u hadlay ninkan Eritreanka ah ayaa dhiniciisa difaacay, waxaana uu sheegay in ninkani uusan laheyn wax dambi ah. Maxamed Ibraahiim ayaa muteysan doona xarig dhan 45-sano, hadii lagu helo dambiga lagu haysto. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||