k
|
|
Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo goor dhow Bakaaro lagu dilay
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 09-Maarso-2010
Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa goor dhaweyd lagu kahaarajiyay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaan Maalin taajir, waxaana sarkaalkan magaciisa la oran jiray Barre Cali Barre. Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa sarkaalkan toogtay, iyagoona ka baxsaday goobta dilka ka dib. Barre Cali ayaa kasoo jeeday xisbigii la oran jiray Raas Kambooni ee iminka ku biiray al-Shabaab, kaasoo si weyn u mucaaradsanaa ku biirida al-Shabaab. Wax war ah oo wali kasoo baxay Xisbul Islaam ma jiraan, waxaana sarkaalka maanta la dilay uu horay uga bad-baaday fal khaarajin ah oo loo adeegsaday bombo gacmeed. Xurguf dagaal iyo tan warbaahinta ayaa mudooyinkan dambe u dhexeysay kooxaha al-Shabaab iyo Xisbul Islaam kuwaasoo ku wada sugan iminka suuqa Bakaaraha. Horay ayay labadani kooxood ugu dagaalameen Jubooyinka, halkaasoo looga awood roonaaday Xisbul Islaa. Wixii kusoo kordha kala soco Calanka Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||