k
Dowladda Britain oo balan qaad u sameysay xukuumadda Soomaaliya
Cape-town, S/Afrika (Calanka.com ) 10-Maarso-2010

Kulan heer sare ah oo ay wada qaateen ra`iisul wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown iyo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Dowladda KMG ah loogu yaboohay balan qaad lacageed oo gaareysa £5.5 milyan.

Dowladda Ingiriiska ayaa taageeradan lacageed waxa ay ku sheegtay in ay uga gol leedahay sidii loo hagaajin lahaa islamarkaana dib loogu soo celin lahaa xaaladda amni ee gudaha dalka Soomaaliya.

Warar dheeraad ah oo laga helayo kulankii dhex maray labadaasi mas`uul ayaa ku waramaya in sidoo kale xukumadda Ingirrisku ay deeq lacageed oo gaareysa 7.5 Milyan oo lacagteeda ah ay u balan qaaday inay ugu gar gaarto qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo barakacay dagaalada ka dhacaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo deeqdaasi lacageedna ay u sii marsiin doonaan hey`adda cunada aduunka ee WFP.

Ra,isul wasaare Gordon Brown ayaa Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ka dalbaday inuu dhexda u dhuuqsado islamarkaana uu dadaal lixaad leh u galo sidii uu u soo deyn lahaa lamaanaha u dhashay Ingirriska ee afduubka loogu haysto gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mustafa Xasan Cali
Mustafaxasan737@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: