k
Jaceylkii iilka dhigay AYUUB
Tripoli, Libya (Calanka.com ) 12-Maarso-2010

Jacaylkii iilka dhigay Ayuub..!! (sheeko taxane ah) Qaybta 3-aad:- Wada-sheekeysigii, isu xog-warrankii iyo gees isula-bixiddii Ayuub iyo Ayaan ee barxadda dugsiga ayaa sii kordhay. Nuxurka hadalladii ay Ayaan ku akhrinaysay Ayuub ayaa la micna ahaa :-"Ubax Deyrtii baxayow, udgoonow,...ma og-tahay anoo ilo biyo leh jooga, ma og-tahay inaan dartaa u oomanahay"..?!!.

Si kastoo uu Ayuub isu nabay, una xusuusnaaday tusaaleyntii waalidkiis, haddana xaddiga Xubbigii uga fariistay Xabadka, ayaa qasab kaga dhigay isaga inuu siiyo Ayaan Jawaab-celin ay dulucdeedu ahayd:-"Qoortaada dheeree, lagu qoray cabaaryada, markaad xaggayga u soo qalloocisaa bay qososhaa naftaydu"..!!.

Waxaa sii lixaadsaday is-jacaylkii labadaas arday iyo wada-socodkooda. Astaamo-jacayl oo aan la qarin karayn ayaa bannaanka is-keenay. Laakin Murti ayaa waxay ahayd:-"Haddii aan jacayl jirin, ifka jowharad nuurtiyo wanaag laguma joogeen".

Waxay ku heshiiyeen xiriir iyo iskaashi xagga waxbarashada ah. Waxay ku ballameen inay galab kasta oo Jimca ah ku kulmaan oo wax ku akhristaan aqalkii Ayuub.

Ayuub isagoo ballantii ugu horreysay u dhigaya Ayaan ayaa wuxuu yiri:-"Soo raac Taksi, Suuqa Dhagaxtuur u soo dhaaf dhanka koonfureed, midig u gal leexadka uu Geedka weyn ku ag-yaallo, eeg bidix, waxaad arki doontaa: anigoo ku fadhiya derbi ku ag-yaal albaab cagaaran".

Kulan-jimcaadyo aan yarayn ayaa joogto u dhex-maray Ayuub iyo Ayaan. Kaas oo wax ka tarayay waxbarashadooda iyo wada-xallinta wixii su'aalo ama Layliyo ah ee la xiriira Imtixaannada kala duwan. Laakin docda kale waxaa taas feer-socdy jilid jacayl.

Ayaan Wasiirkii adeerkeed ahaa, waxay hore uga heshay oggolaansho ahaa: inay jimca kasta gellinka dambe wax la soo akhrisato arday kale, maqribyadii ka dibna ayan ka maqnaaneyn aqalka.

Laakin Ayuub dhankiisa,wuxuu ka baaqsaday jimca-dhaafyadii uu reerahooda ku soo booqan jiray Marka iyo weliba Gol-weyn.Wuxuu diray farriin ahayd:-inuu mashquul yahay, firaaqana uusan u hayn 'Qaraabo-salaan' iyo safarrada dibadda ka ah Xamar-cadde.

Waxaa jiray dad deris Ayuub kula ahaa Muqdisho, oo u tebiyay reerkooda: inuu wiilku ku faraq-xirtay gabar, taas oo aqalka ugu timaada, ayna isku naban yihiin.Horaase loo yiri:-"Dhagax meel dhow ayuu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer".

Islaantii Aamoow ahayd, ee uu qabay Oday-Arwaax, oo iyadu horaba hagar-daamooyinka ugu haysay Ayuub, ayaa ka faa'iideysatay fursaddan.

Aamoow, ayaa iyadoo abuuraysa Fitno,kicinaysana dareenka Arwaax, waxay tiri:-"Waxaa la sheegooyaa, igaarkaada Ayuub inaas bartay naago...shuqul-xumo inaas bilaabay aan u mudaa...kac ee soo fiiri wixiis meesha ku haayo"...!!.

Arwaax oo markii horaba shaki ka qabay sababta baaqashada Ayuub -illayn kor waayeel, hadduusan wada-caqli ahayn, waa wada indhee- ayaa haddana waxaa soo buufisay(kicisay) Aamoow.

Isagoo ku tukubaya Bakoorad, wax farriin ah oo safarkiisa la xiriirana aanan iska soo hor-marin, ayuu Odaygii casar-jimcaad, u soo socdaalay Muqdisho, soona beegsaday Aqalkii Ayuub, xilli ay qolkii yaraa ku wada-sugnaayeen Abaayo-Ayaan...!!.

FIIRO GAAR AH:
Hadii aad dooneyso in aad akhrisato qeybihii hore ee shaakada, ka raadi halka hoose ee laga baarto wararkii hore (ku qor sheekada magaceeda)

La soco qaybta 4-aad.
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy -
kalmoi@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: