k
M/weyne Zarkozy iyo xaaskiisa Carla oo qarka isu saaraan in ay kala....
London, UK (Calanka.com ) 12-Maarso-2010

Sida ay qoreen inta badan Jaraa”idada ka soo baxa Qaarada Yurub waxaa Madaxweyne Zarkozy iyo xaaskiisa soo kala dhaxgalay mashaqo laga yaabo in ay ku biyoshubato furriin.

Qalalaasaha ka dhax aloosan qalanjada reer talyaani Carla iyo saygeeda ayaa markii hore ku bilaabatay nuxnux hoose iyo kutirikuteen, hayeeshee waxay Shaac noqotay markii wargeyska lagu magacaabo Le Journal Du Minanche uu qalinka la raacay arintan la isla dhaxmarayo.

Warbixinta oo noqotay mid soo jiidatay indhaha saxaafada caalamka waxa ay sheegeysaa in marwada koowaad ee France ay jaceyl baaxadweyn leh u qabto Benjamin Biolay oo ah 37jir Muusikiistaa.

Mr. Bioley iyo afada madaxweynaha france wax ay muddaba ahaayeen saaxiibo isku dheer, marwada madaxweynaha waxa ay imika si aan rasmi aheyn ula nooshahay Musikiistaha maankeeda dagay.

Carla Bruni waa 42jir uu rabbi ku galaday joog iyo Jamaal intaba, waxa ay Zarkozy hortii jaceyl la soo jishay aqiyaar ay ka midyihiin: Mick Jogger, Eric Clapton, Donald Trump iyo qoraaga lagu magacaabo Jean-paul Enthoven inkastoo ay markii dambe ka raacday wiilkiisa Rapheal oo ay u dhashay cunug.

Carla iyo Raphael xiriirkooda siima raagin waxayna kalatageen kadib markii uu Raphael ku eedeeyay In Carla Bruni aysan lilaahi ka aheyn xiriirkooda.

November 2007 ayay aheyd markii ay Zarkozy iyo Carla isku barteen xaflada casho ah, sedax bil oo jaceyl waali ah kadib ayay isguursadeen.

Fadeexaddan cusub kuma eka Carla oo qura, Zarkozy qudhiisa ma aha Salli lagu tukado.

Waxaa jira tuhunno isa soo taraya oo sheegaya in uu madaxweynuhu caalwaa ahaan uga duldhacay wasiirada deegaanka marwo Chantal Jouanno oo laftigeedu oorri la qabo ah. Wasiiradu waxay sanaddan qaaday horyaalka Kartayga France, wallow uusan wargeysku si faahfaahsan diirada u saarin arinta, hadana waxa ay ku gaabsadeen in uu madaxweynuhu amooraati ku yahay wasiirada.

Warfidiyeenku waxa ay mudane Zarkozy ku xantaan in uu yahay nin ay isaga qasantahay nolashiisa siyaasiga iyo midiisa shaqsiga ah.

Guurka Zarkozy ee Carla Bruni oo ahaa mid uu madaxweynuhu ku degdegay ayay qubarada wax adroosa calaamatusu”aal dul dhigeen, qaarkoodna waxa ay saadaaliyeen in guurkoodu uu jiridoono ilaa inta uu Zarkozy ku dul naaloonayo Kursiga madaxweynanimada.

Carla waxa ay dhawaan si aan gambasho laheyn u sheegtay in ay nolasha hal nin ku ekaashaha ah tahay mid ay ku caajistay.

Afhayeenka madaxtooyada France oo wax laga weydiiyay waxa ka run iyo been ah arintan suuqa gashay ayaa ka gaabsaday in uu wax hadal ah dhiibo.

Warjiraaba cakaaruu iman, la arkidoonee meesha ay ku dhamaato Fadeexaddan Curdunka ah.

Axmednuur Cabdulaahi Cali

Axmednuur2@hotmail.com
London, U.K

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: