k
|
|
Askar al-Shabaab
oo lagu gubay isgoyska Jubba
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 12-Maarso-2010
Labo ka mid ah askarta Al shabaab ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa nolosha lagu gubay isgoyska Jubba kadib markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada dowladda. Labadaan askari oo la sheegay in ay dhalashadoodu tahay Kenyaan ayaa waxa ay ku soo dhaawacmeen dagaaladii galinkii dambe ee shalay ka dhacay W/Muqdisho ka dibna ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Dowladda. Isgoyska Jubba ayaa waxaa isugu soo xoomay dad aad u fara badan ka dib markii la keenay askaartaani ka tirsan Al shabaab, qaar ka mid ah dumarka ayaa durbadiiba ku qeyliyey "waxa ay qaleen walaalkey" iyo " waxa ay qaleen ninkeyga".
Qaar ka mid ah dadkii careysnaa waxa ay ku dhaqaaqeen in ay dab iyo baasiin la dul istaagaan, ugu dambeyntiina halkaasi ku gubay. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa iyana waxa ay kurka ka jareen labo ganacsade oo ka shaqeynayay shirkad taleefan kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay madaafiicda dowladda kusoo hogaaminayeen maleeshiyaadkooda iyagoo khadka taleefanka ku hagaya. Waa markii ugu horeysay ee askar ka tirsan Al shabaab lagu Gubo Muqdisho iyagoo nool.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||