k
|
|
Maleeshiyaadka Shabaab
oo miinooyin ku aasaya wadooyinka waqooyiga Muqdisho
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 13-Maarso-2010
Ururka Al shabaab oo ka mid ah garabyada hubeysan ee ka dagaalama dalka Soomaaliya ayaa waxa ay saakay howlo miino aasid ah ka bilaabeen waddada isku xirta isgoysyada Beexaani iyo Sanca Degmada Karan ee magaalada Muqdisho. Howl galkaani miino aasida ah oo ay kooxda Al shabaab ka bilaabeen waddada isku xirta Sanca iyo Beexaani ayaa sida la shaaciyey waxa ay ugu golleeyiihinn in ay ku qarxiyaan dabaabaadka ciidamada Nabad ilaalinta ee Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho . Midka Mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ku sugan deegaankaasi islamar ahaantaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa calanka u xaqiijiyey howlaha Miino Aasida oo ay al shabaab ka wadaan waddadaasi . "Saakay ciidamo aad u badan ayaa waxa la soo dhoobay Waddada Nasii-buunde, annagu waxaan fadhinay halkaasi waxaa nagula amray in aan isaga tagno meesha, waxa ay bilaabeen in ay jajabiyaan qaybo ka mid ah waddada miinooyin ayey galiyeen haddana waa ay duugeen", sidaasi waxaa yiri mid a mid ah dadka deegaanka oo u waramayay wariyaha Calanka. Maalinkii shalay Ciidamad Amisom ayaa ku dhawaad 12 miino waxa ay ku qarxiyeen meel aan sidaa uga sii fogeyn Hotellka Global Iyo Isgoyska Beexaani . Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||