k
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo booqday gurigii umadda
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 13-Maarso-2010

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka soomaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh "Aadan Madobe" ayaa maanta waxa ay socdaal ku tageen Xaruntii Golaha Shacabka soomaaliyeed oo Howlo dayactir ka socdeen muddoyinki ugu dambeeyey .

Wafdigani oo isugu jiray qaar ka tirsan Golaha Wasiirada iyo kan baarlamaanka isla markaana uu horkacayey Shiikh Aadan Madoobe ayaa waxa ay howl indha indheyn ah ay ku sameeyeen gaabka uu u soconayo dayactirka ka socda Golahii shacka soomaaliyeed oo burbur xoogan uu ka oo gaaray dagaaladii sokeeyey ee tan iyo 1991-dii ka dhacayey magaalada Muqdsho .

Ka dib socdaalkaani gaaban oo ay wafuudani ay ku tageen golaha shacabka aya waxa halkaasi shir jaraa’id ku qabtay Gudoomiyaha baarlamaanka Shiikh Aadan Mxamed Nuur Madoobe waxa uun faahfaahin ka bixiyey socdaalkooda iyo rajada laga qabo in kalfadhiyada barlamaanka lagu qabto Golahs shacabka .

" Rajadu waa ay fiican tahay waad aragtaan sida loo dayactiray Masaajidkii Isbahaysiga iyo howlaha dayactirka ka soconayay Golaha shacabk iyo isbitalka Martiini", ayuu yiri Aadan Madoobe isagoo farta ku fiiqaya Masajidka Isbahaysiga oo ka agdhaw Golaha shacabka soomaaliyeed waxa uuna inta ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan kalfadhiyada baarlamaanka lagu qaban doono Xaruntii Golihii shacabka.

"Kalfadhiyada Baarlaamnka Waxaa loo soo wareejin doonaa Xarunta Golaha Shacabka, Xarunteenana waxa ay noqon doontaa halkaani", ayuu yiri gudoomiyaha.
Dhanka kale waxa uu Madoobe ka hadlay wararka la isla dhexmarayey ee ahaa in dowlada ay qorsheynayso weerar ay ku qaado koxaha ka soo horjeeda waxa uuna yiri:-

"Bishaani gudaheeda dowladda waxa ay la wareegi doontaa guud ahaan dalka Soomaaliya"


Ma ahan markii ugu horeysay oo masuuliyiin ka tirsan dowlada ay socdaal ku tagaan Xarunta Golaha Shacabka oo howlo dayactir ay si xowli ah uga soconayaan.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: