k
|
|
Gudiga jaalliyadda
beesha Saruur ee UK oo kulan la qaatay m/weyne Shariif
London, UK (Calanka.com ) 13-Maarso-2010
Madaxweynaha dowladda KMG Sheikh Shariif ayaa Hotelka uu ka deggan yahay London ku qaabilay Guddiga Jaalliyadda Saruur ee UK oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Jaalliyaddaas Col. Axmed Jumcaale Geedi. Guddigan oo ka mid aha dadkii faraha badnaa ee madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyey UK, isla markaasna aad u qaddarinaya booqashada uu dalkaan ku yimid taas oo sii xoojineysa cilaaqaadka wacan oo ay dawladda KMG ku dardar gelineyso siyaasadeeda dibedda iyo xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska, gaar ahaan soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Guddigu wuxuu u caddeeyey madaxweynaha in ay Jaalliyadda Saruur ee UK, ay si buuxda u taageersan tahay siyaasadda dawladda KMG, lana garab taagan tahay hiil iyo hooba, iyada oo aan wax shuruud ah ku xirreyn, taageerada iyo u hiilinta qaddiyadda toosan ee hogganka sare ee dawladda. Waxayna u rajeysay in Eebe Subxaana wa tacaala uu ku garab siiyo xilkaas adag oo uu dalka ku hoggaaminayo. Guddigu wuxuu la socodsiiyey in ay Beeshu leedahay, Saraakiil sare oo ku xeel dheer hoggaaminta ciidan, dibloomaasiin qibrad dheer iyo waayo arag u ah arrimaha siyaasadda dibedda, dhaqaatiir iyo aqoon-yaan badan oo laga faaiideysan karo wax tarkooda, ayna u oomantahay in ay wax la wadaagto umadda kale ee Soomaaliyeed.. Ka qaybgelinta beesha Xukuumadda, waxay dhalineysa inay iyaduna sii labanlaabto taageerada ay la garab taagantahay heer kasta iyadoo ku rajaweyn inay tani noqon doonto Insha Allah tii mira dhalisa. Dhamaan arrimihi uu Guddigu u soo bandhigay Madaxweynaha, wuu ka garwaaqsaday, wuxuuna ballan qaaday in uu fiiro gaar ah siin doono codsigooda iyo taladooyinkooda, Insha Allaah. Xubnihii kulankaas ka qayb galay waxaa ka mid ahaa: Col. Axmed Jumcaale Geedi (Guddoomiyaha Jaalliyadda Saruur ee UK) Danjire Maxamed Axmed Caalim Aaden Xaaji Moxamud Jaabiri Cabdullahi Cilmi Abtidon Cawil Maxamed Siyaad Cabdiraxman Maxamed Saciid (Gentleman). Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||