k
|
|
Xisbul Islaam
oo isku khilaafsan in ay ku biiraan dowladda
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 14-Maarso-2010
Kulan muddoyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ku dhexmarey horjoogayaasha maleeshiyada Xisbul Islam yaa waxa uu ku soo gaba gaboobmay natiijo la’aan ka dib markii ay isku khilaafeen fikir ay soo jeediyeen qaar ka tirsan horjoogayaasha ururkaasi oo ku aadan in ay si dhameystiran ugu biiran dowladda Soomaaliya oo dhawaan miiska wada hadalka ugu baaqday Kooxaha dowlada ka soo horjeeda. Shaqsiyaadka diiday in ay ku biiran dowladda Soomaliya ayaa waxa ka mid aha horjoogaha ugu sareeya ee maleeshiyada Xisbul islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo waliba gudoomiyaha ururkaasi u magacaabeen maleeshiyaadka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir Maccalin Xaashi. Kulankaani oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa islamamarahaantaana laga gaabsaday in la shaaciyo ayaa waxa uu yimid kadib markii uu horjoogaha ugu sareeya ee Xisbul islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys isugu yeeray masuuliyiinta kala duwan ee maleeshiyadaasi ka dib markii dil qorsheysan loo geystay horjooge ka tirsanaa ururkaasi oo lagu magacaabi jirey Barre Cali Barre. Dhanka kale ciidamada iyo saraakiisha maleeshida Xisbul Islaam ayaa waxa ay la ama kaagsan yihiin sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Shiikh Xasan Dahir uusan ka hadlin dilkii dhawaan loogu geystay suuqa Bakaaraha Barre Cali Barre oo ahaan gacanta midig ee Xasan Daahir. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||