k
M/weyne Shariif oo beeniyay in ay xukuumadiisu taageero maleteri weydiisatay Mareykanka
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 14-Maarso-2010

M/weynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay warar dhawaan soo ifbaxayay kuwaasoo sheegaya in ay xukuumadiisu weydiisatay Mareykanka taageero malatery oo xagga cirka ah, kuwaasoo lagu qaado kooxaha dowladda kasoo horjeeda islamarkaana dagaalada kula jira.

Warkan ayuu madaxweynuhu ka sheegay taleefishinka al-Carabiciya mar uu wareysi siinayay shalay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada dowladdu ay ku filan yihiin la dagaalanka kooxaha mucaaradka islaamiyiinta.

Waxa uu qiray madaxweynuhu in xaalada amaan ee caasimadu tahay mid qasan, isagoona dusha ka saaray amnidarada, dagaalada iyo qaxa ka socda caasimada kooxaha xiriirka la leh argagixisada al-Qaacida, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ururka al-Qaacida ayuu sheegay in ay dabada ka riixayaan kooxda al-Shabaab, iyagoona dhaqaale iyo dagaal-yahanaba ugu yabooho si ay u sal dhigtaan Somaliya oo ay 20-sano dagaalo ka socdeen.

Dowladiisu ayuu sheegay in ay la dagaalami doonto kooxahani inta ay ka sifeyneyso dalka oo dhan.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay ay caasimada Somaliya ka soconayeen dagaalo iyo qax baahsan, kuwaasoo ka dhashay dagaalada u dhexeeya dowladda iyo kooxaha diidan.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: