k
Muuse Caraale oo lagu xiray Sudan
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 15-Maarso-2010

Wararka ka imaanaya dalkaasi Suudaan ayaa sheegaya in lagu xiray halkaasi xoghayahii gaashaandhiga Ururka Xisbul Islaam Muuse Cabdi Caraale kaasoo mudooyinkii u dambeeyay laga sheegayay dalkaasi.

Sida ay qortay jariiradda kasoo baxda dalkaasi Sudan ee lagu magacaabo Sudan >Tribune ayaa waxaa ay sheegtay in ay ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen Muuse Caraale xilli uu doonayay in uu u talaabo xadka dalkaasi uu la wadaago Eritrea.

Jariiradda ayaa qortay in Muuse lagu qabtay aduun lacag ah, taasoo ay iminka ku hayaan gacanta ciidamada amaanka.

Xilli sii horeysay ayaa waxaa masuulkan Xisbul Islaam ka tirsan lagu sheegayay caasimada dalkaasi Suudaan, isagoona ku tagay halkaasi qaab nin ganacsade ah.

Muuse ayaa doonayay in uu galo dalka Eritrea markii la qabanayay, waxaana uu iminka ku jiraa gacanta ciidamada amaanka.

Iyadoo aan laga war hayn ayay wararku sheegayaan in uu Muuse Caraale kasoo dhaqaajiyay caasimadda Somaliya ee Muqdisho halkaasoo uu ka waday dagaalo shacabka lagu dhibaateeyo islamarkaana ay kooxdiisu kula jirto dowladda Somaliya.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: