k
|
|
Hey`adda UNHCR
oo qaxooti Soomaaliyeed ka qaaday dalka Koonfur Afrika
Cape-town, S/Afrika (Calanka.com ) 15-Maarso-2010
Hey`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa ay dalka Koonfur Africa ka qaaday qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 20 qoys. Tirada dadka qaxotiga Soomaaliyeed ee hey`adda UNHCR ka qaaday dalka S/Africa ayaa lagu sheegay Boqol Toban iyo Kow qof (111), kuwaasi oo ka dhoofay garoonka Yanga International Airport ee magaalada Cape town.
Mar ay Shabakadda Calanka wax ka weydiisay gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida gobolka western Cape ee dalka K/Africa C/raxmaan Axmed Cumar (Cabdi yare jidow), waxa uu kala socdo qaxootiga Soomalaiyeed ee laga qaaday S/Africa ayaa waxaa uu sheegay inuu ka war hayo qaxootigaasi islamrkaana uu xusay in hay`adda UNHCR dadka ay qaaday badankoodu ahaayen dad dan yar ah oo in muddo ku jiray xero Milateri oo ku taalay bariga magaalada Cape town. Hey`adda UNHCR ayaa qaabishay tiro ahaan Kun iyo shan boqol (1500) oo qoys, kuwaasi oo laga diiwaan geliyey magaalooyinka kala ah, Cape-town, Johannesburg, Port Elizabeth,(PE) iyo East London.
Qaxootigan Soomaalida ee laga qaaday dalka S/Africa ayaa waxa ay hey,adda UNHCR-ku dejisay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalooyinka, Kansas City, Minneapolis, iyo Ohio. Horaantii bishii November ee sanadkii tegay ayey ahayd marki hey,adda UNHCR ka qaatay dalka S/Africa qaxooti Soomaaliyeed oo gaarayay ku dhawood 10 Qoys, kuwaasi oo iyana la dejiyey magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka. Mustafa Xasan Cali Mustafaxasan737@hotmail.com +27735137388 Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||