k
Hogaamiyaha Shabaab oo ka digay khilaaf soo kala dhexgala maleeshiyaadkooda
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 15-Maarso-2010

Hogaamiyaha ugu sareeya Ee maleeshiyada Al shabaab ninka la magac baxay Mukhtaar C/Raxmaan Abuu Zubeyr isla mar ahaantaana magaciisa oo saxan uu yahay Axmed Godane ayaa waxa uu maleeshiyada Al shabaab kaga digay in uu soo kala dhex galo khilaaf taasoo uu ku tilmaamay mid dhibaato u keeni karta maleeshiyadooda .

Cod maqal ah oo ay maleeshiyada Al shabaab soo gaarsiyeen warbaahinta isla markaana ku duubnaa Codka Axmed Godane ayaa waxa si weyn uu kaga hadlay arrimo khuseeya maleeshiyadooda iyadoona u muuqanaysay digniin ku aadan saraakiisha maleehsiyada Al shabaab oo baryihii u dambeysay uu khilaaf soo kale dhex galay .

Khilaafkii ugu xooggan ee soo kala dhex galay qaar ka tirsan maleeshiyada al shabaab ayaa waxa uu ahaa qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay hotelkii Shamo, kaasoo afhayeenka maleeshiyada Al shabaab Cali Dheere uu dafiray in ay ka dambeeyeen halka ay kuwo kalena ku qabsadeen in aysan xaq ahayn in la dafiro howl uu fuliyey ruux "mujaahid" ahaa, waa sida ay hadlaka u dhigeene.

Si kastaba ha haatee codkaan maqalka ah ee uu soo diray Axmed Godane ayaa waxa uu imaanayaa xilli uu khilaaf hareeyey saraakiisha maleeshiyada Al shabaab.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: