k
|
|
M/weyne Shariif
oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 15-Maarso-2010
Wafdi balaaran oo uu horkacayay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa ay maanta barqadii dib ugu soo laabteen caasimadda dalka ee Muqdisho iyagoona kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport. Wafdigaan ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Madaxweyn iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana safaro ay ku soo kala bixiyeen dalalka Ingiriiska, Ethiopia , Imaaraadka iyo Kenya oo uu maanta ka soo kicitimay. Madaxweyanah oo markiisii hore Casuumaad ka helay masuuliyiinta Britain ayaa waxa uu kulamo xasaasi ah masuuliyiintaasi kula qaatay magaalada London, wuxuuna sidoo kale madaxweynuhu la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Ingariiska oo khudbad xasaasi ah uu u jeediyey, iyaguna ay halkaasi ku soo bandhigeen taageerada xoogan ee ay dowldda u hayaan. Markuu ka soo kicitimay London waxa uu soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasoo ay ku sugnaayeen wafdi uu isna hogaaminaya r/wasaaraha oo kulamo la lahaa Ururka Ahlu Sunna intaa ka dib madaxweynaha waxa uu u duulay magalaada Dubai ee isu taga Imaaraadka Carab halkaasoo uu kaga qayb galay shir looga hadlayey arimaha soomaaliya. Ugu dambeyntii madaxweynaha waxa uu soo gaaray dalka Kenya oo uu maanta ka soo kicitimay, waxaana garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo saraakiisha Ciidamad Amisom. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||