k
|
|
ALL PHOTO: AP (Shiikha ugu sareeya Ahlusunnah iyo r/wasaare Cumar)Ahlu-Sunnah iyo dowladda Somaliya oo heshiis ku kala sixiixday mag. Addis ee dalka Itobia
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 15-Maarso-2010
Masuuliyiin ka kala socota dowladda Somaliya iyo ururka ahlu-Sunnah Wal Jamaaca ayaa galabta ku kala sixiixday caasimadda dalka Itobia ee Addis Abeba heshiis ka kooban dhorw qodob, kaasoo ku dhaqan gali doona mudo soddon casho gudohood. Dhanka dowladda ayaa heshiiskan waxaa u sixiixay r/wasaare xigeenka ahna wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan, iyadoona dhanka ahlu-Sunnah uu qalinka ugu duugay guddoomiyaha golaha fulinta ururkaasi Maxamed Daahir Xeefoow.
Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa: In la mideeyo ciidamada dowladda iyo kuwa ahlusunnah In golaha wasiirada dowladda xubno laga siiyo ahlu-Sunnah In gobolada ahlu-Sunna ka taliso, ciidamadooda iyo siyaasadooda hoos timaaddo dowladda In cadowga labadan garab ay leeyihiin meel looga soo wada heesto Iyo in Axdiga kumeel gaarka lagu daro heshiiska maanta la gaaray
Xaflad weyn oo ay kasoo qeyb galeen xubno ka socda Qaramada Midoobay, beesha caalamka iyo dowladda Itobia ayaa heshiiskan maanta lagu kala sixiixday, waxaana la isku raacay in la taageero. Heshiiskan maanta qalinka lagu duugay ayaa imaanaya xilli mudooyinkii ugu dambeeyay uu wadahadal dheer u socday garabyada maanta heshiiyay. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||