k
Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay shaqsiyaad caan ah oo musuq maasuq ku dhacay
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 16-Maarso-2010

Warbixin ka soo baxday Xafiiska la socodka arrimaha dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqsiyaad caan ah oo isugu jira Wasiiro ka tirsan dowladda KMG iyo shaqsiyaad kale oo ku kacay Musuq Maasuq, liiskaasi oo loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa sheegtay in kala bar raashinka gargaarka oo Soomaaliya loo wado, in qandaraaslayaal daabula raashinka oo u shaqeeya heya’dda WFP ay masuq maasuqeen, waxaana laga xusay qanadaraaslayaashaasi Eng. C/qadir Eenow, inkastoo uu beeniyay ganacsadahaasi eedeymaha loo soo jeediyay.

Sidoo kale waxaa warbixinta ay ka hadashay hubka dalka Somalia ku sii qulqulaya iyadoo la sheegay in hubka ugu badan uu Soamaliya kasoo galo dhanka dalalka Yemen, Itoobiya iyo Erateriya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninka la yiraahdo Max’ed Siciid Atom oo reer Sanaag ah in hubka ugu badan uu ka keeno dalka Yeman oo sida ay warbixintu sheegeyso wuxuuna ka soo dajiyaa xeebaha Puntland, gaar ahaan Bariga Sanaag oo uu ku leeyahay saldhig milateri, waxaana warbixinta lagu sheegay in uu xiriir la leeyahay ururka kooxda al-Shabaab oo maliishiyadiisa ay tababar ku siiyaan , xero ku taalla deegaanka Galgala Puntland.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in burcad badeeda ay yihiin mudooyinkii danbe kuwo soo xoogeysanayey, isla markaana taageero siyaasadeed iyo mid badbaado ka hela goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin ee Puntland iyo bartamaha dalka Soomaaliya. sidoo kale ay burcad badeedu noqotay mid ganacsi waxaa lagu sheegay ninka hoggaamiya Maxamed Xasan Cabdi Afweyne.

Dhanka kale Wasiiro ka tirsan Dowladda ayaa warbixinta waxaa lagu sheegay in Wasiiro ka tirsan dowladda ay iibsadaan Fiisooyinka ay hesho Dowladda iyadoo lagu iibsado Kumanaan Dollarka Mareykanka, isla markaana ay jiraan Dalaaliin caan ah oo fadhiya dalka Kenya.

Kooxda la socodka Arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo horay u diiwaan geliyay musuq maasuq kii ugu ballaarnaa oo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda ay ku lug lahaayeen ayaa iminka waxaa warbixintii ugu danbeysay lagu xusay Wasiirada ay ka mid yihiin Madoobe Nuunow Maxamed oo ah Wasiirka Dastuurka, Wasiiradda Haweenka Marwo Fowsiyo Sheekh Maxamed, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Safiirka Dowladda KMG u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko .

Warbixinta ayaa sheegaysa in Fiisooyin ay heleen Wasiirada Dowladda ka tirsan ay si toos ugu iibsadeen dad gaar ah, kuwaasoo lacago fara badan laga iibiyo si ay ugu tagaan Yurub.

Waxaana Warbixinta ay si gaar ah u sheegtay in Wasiirka Kalluumeysiga ahna Ra´iisul Wasaare Kuxigeenka Prof. Cabdiraxmaan Ibbi iyo Safiir Ameeriko ay aad ugu dhoon daloolaan masuq maasuqa gaar ahaan iibsashada Fiisooyinka dalalka Yurub.

Dhamaan xubnaha magacyadooda ku xusan ee eedeymaha loo soo jeediyay ayaa intuba iska fogeeyay danbiyada lagu soo oogay, walow dadka ku xeel dheer siyaasadda dalka Soomaaliya ay qireen jiritaanka eedeymaha iyo danbiyada loo heysto.

Arintan ayaa dhabar jab iyo fadeexad Dowladda KMG maadaama la shaaciyay Wasiiro iyo Mas´uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan oo ku kacay Musuq maasuq aan horay loo arkin, iyadoo shaqsiyaadkaasina aysan u muuqan kuwo wadaniyiin ah.

Cali Muxiyaddiin Cali
Calanka News Desk
Muxiyaddiin@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: