k
Dowladda KMG oo soo dhaweysay heshiiskii shalay ka dhacay Itobia
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 16-Maarso-2010

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa waxa uu si diiran u soo dhaweeyey heshiis ay shalay Dowladda KMG iyo Uruka Ahlu Sunna ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

"Aad baan ugu farax sanahay heshiiskii ay gaareen Dowladda iyo Ahlu Sunna, Waana tallaabo horumar leh oo aan u qaadnay dhanka dib U heshiisiinta", ayuu yiri madaxweyne Shiikh Shariif .

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ka hadlay socdaalkii uu ku soo kala bixiyey wadamo ay ka mid tahay dalka Britain islamarkaana waxa uu xusay in dowlada Ingariiska ay u balan qaaday taageero buuxda waa sida uu hadla u dhigaye.

"Dowladda Britain waxa ay noo balan qaaday waxyaabo fara badan sida taageero joogta ah, arinta kale ee farxadda leh ayaa waxa ay tahay in dowladda Ingariiska ay sidoo kale balan qaaday in ay furi doonto safaarada soomaaliya ee dalkeeda", ayuu hadalkiisii raaciyay madaxweynuhu.

Dhanka kale madaxweyne Shariif waxaa uu beeniyey eedeymo loo soo jeediyey qaar ka tirsan Wasiirada xukuumada soomaliya oo ku aadan in ay ka beec mushtaraan fiisooyinka dowladda ay hesho.

" Eedeymahaasi waa kuwo raqiis ah oo ay buunbuuniyeen dad cadow ku ah Ummada Soomaaliyeed jiritaankeeda", ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Madaxweyne shariif ayaa sidoo kale Xoogaga ka soo horjeeda dowladda ku eedeeyey in ay iyagu masuul ka yihin dhibaatooyinka soo gaaro dadka rayidka ah xilliyada ay dagaalada socdaan

Si kastaba ha ahaatee hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli xaalado adag ay ku jirto Soomaaliya, xukuumaduna ay qorsheynayso dagaalo ka dhan ah xoogaga mucaaradka .


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: