k
Jaceylkii iilka dhigay Ayuub
Tripoli, Libya (Calanka.com ) 17-Maarso-2010

Jacaylkii iilka dhigay Ayuub....!! (Sheeko taxane ah) Qaybta 4-aad:- Oday-Arwaax ayaa soo hor-joogsaday qolkii irrid-bannaanka ahaa ee uu degganaa Ayuub. Albaabka ayuu soo garaacay, isagoo yiri:-"Hoodi-hoodi, yaa jooga mininkaan"?!!.


Ayuub oo gartay, kana naxay imaatinka aabbihiis xilli ay wehelisay Ayaan, ayaa inta uu istaagay ku jawaabay:-"Annagaa joogna ee soo gal Baaba". Ayuub ayaa wuxuu dhegta ugu sheegay Ayaan:-"Ninka yimid waa Aabbahay". Gabadhii ayaa iyaduna u istaagtay Odaygii, oo salaantay.

Ayaan oo garatay inuu Odaygu xoogaa baddalay wejigiisa, ayaa waxay tiri:-"Adeer aniga waxaa la i dhahaa Ayaan, waxaana dugsiga wada dhigannaa wiilkaaga Ayuub, ee iska warran adigu".

Adaygii ayaa wuxuu ku jawaabay:-"Nabad-lee geberteey...laakin hadda waxaan rabaa inaan kistoo la sheekeysto wiilkayga Ayuub ee noo firaaqeey...raallina iska ahaaw".

Ayaan ayaa urursatay Buugaagteedii,ka-dibna iyadoo sii baxaysa ayay tiri:-"Waa caadi adeer, dhibaato ma leh, ee is-barasho wanaagsan". Waxay kaloo tibaaxday:-"Jaaw Ayuub, waa inoo mar kale".

Ayuub waa ogaa aabbihiis inuu yahay nin kulul, waana uu la socday inay eeddadiis Aamow soo shidayso Odayga. Waxaase meel u tiil isaga: wax kasta oo dhacaba inuusan ka go'in, kana harin Ayaan; waayo waxaa gebi-ahaantiisba saaqay jacaylkeeda. Iyadiiba wuu ka sii daray...!!.

Beer-dillaacshe ayaa hore ugu luuqeeyay:-"Kan Iskuulka dhigta(dhiga) iyo midka Ariga raacaba, ummaddii dhameysee, jacaylow ayaad tahay...Awowgaagii hore iyo Ayeydaa la garan-waaye, jacaylow ayaad tahay"..!!.

Markii ay Ayaan dhaqaaqday ka-dib, waxaa Ayuub iyo aabbihiis Arwaax dhex-maray wada-hadalkan kulul:-

Arwaax:- Haye Igaarkeey, warka i siibo...maxay ahayd gebertaan...!!.Intii shimee isku faraq-xirateen Atariishadaan...!!. Sees wax u jiraa...?!!.

Ayuub:- Wallaahi Abaabow wax kale ma jiro, isku galaas aan nahay gebertaan, kistoo wax aan isla akhrisannaa, marmarkoo ayna ii timaadaa...saas lee waaye.

Arwaax:-In wax laguula akhristo haddii aad rabtid, Igaaryaal ood wax la akhrisatid Iskoolka oo dhan ma joogaan miyaa...!!. Yacni geber leed soo heshay miyaa...!!. Geber la'aanteed duruus ma fahmeysid ma ohoo?!!.

Ayuub:-Abaabo saas ma aha wallaahi, laakiin...

Arwaax:- Maxaa laakin eh, waaba u jeedaaye. Kunsheertadaan(Riwaayaddaan) aad dhigow-haaysid, ma ogidoo anigabo 50-sano ka-hor inaan soo dhigi jiray...!!.Weliba Atoore weyn aan soo ahaay, ma ogidoo..!!. Ani maad i taruufeey kartaa aroo...?!!.

Canaan, dood dheer iyo tusaaleyn ka-dib, wuxuu Oday-Arwaax amar ku siiyay wiilkiisa Ayuub: inuu jaro xiriirka Ayaan iyo gabar oo dhan, si aysan waxbarashadiisu u kala dhantaalmin, arrimaha jilidda jacaylkuna ayan u xagal-daacinin geeddi socodka waxbarashada wiilka...!!.

FIIRO GAAR AH: Qeybihii hore ee sheekadan waxaad ka baaran kartaa halka hoose ee wararkii hore (Ku qor sheekada magaceeda).

La soco qaybta 5-aad..
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Contact webmaster
Copyright © 2007-2010 calanka.com
Qof Designed By: