k
|
|
Dowladda S/Afrika
oo ka qeylisay lacagta ku baxda xaasaska iyo caruurta madaxweyne JACOB ZUMA
Cape-town, S/Afrika (Calanka.com ) 18-Maarso-2010
Sadexda xaas iyo labaatanka ciyaal ee madaxweynaha dalkaasi Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa kiciyay qasnada dowladda kadib markii ay xukuumada dalkaasi soo bandhigtay kharashaadka ku baxa, waxaana xisaabta ku cad in ay masruuftaan in ka badan 2-milyan oo dollar sanadkii. Warbixinta xisaabaadkan oo la horgeeyay baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kharashaadka ku baxa caadi ahaan madaxweynayaasha qoysaskooda uu aad uga sare marsan yahay sanooyinkii lasoo dhaafay, isagoona gaaray heerkii ugu sareeyay ee abid soo mara dalkaasi. Ciyaalka badan iyo xaasaska xaragooda ee madaxweyne Zuma ayay warbixintu sheegtay in ay qarashka ku isticmaalaan waxyaabo aan qorshaha ku jirin, taasoo keenta in uu kharashku aad u sare koco. Madaxweyne Zuma oo iminka 68-jir ah ayaa waxaa dhawaan u dhashay cunugiisii 20-aad, kaasoo uu ka dhalay gabar yar oo uu dhalay nin ay saaxiibo ahaayeen mar ay gurigiisa soo booqatay . Xukuumada ayaa dooneysa in la xakameeyo isticmaalka kharashaadka ku baxa qoysaska madaxweynaha, waana taas ujeedka baarlamaanka loo hor geeyay doodan. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
Contact webmaster
|
Copyright © 2007-2010 calanka.com Qof Designed By:
|
|
| |||||||||||||