Maamulka Madiina Travel
oo garoonka Oslo ku soo dhaweeyay group ay shirkaddu Cumro u dirtay
Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 23 - Agosto -2012
Madaxa qeybta Cumrada ee Madiina Travel Agancy C/qaadir Xaaji Ibraahim ayaa garoonka ku soo dhaweeyay group ka socda masjidka Towfiiq Senter ee Oslo kuwaas oo ay shirkaddu u dirtay Cumro.
Kooxdan oo maqneyd mudo bil ah, ayaa bisha barakeysan ee Ramadaan ku soo qaatay beydka Ilaahay, waxaana ay caasimadda Norway ka bexeen bisha Ramadaan oo laba ah.
DAAWO FILMKA:
Waxa ay ku faraxsanaayeen safarkooda mudada bisha qaatay ee ay ku tageen beydka Ilaahay, waxaana ay isugu jireen rag, dumar iyo dhalinyaro.
Madiina Travel ayay uga mahad celiyeen sida ay ugu fududeysay islamarkaana uga qeyb qaadatay safarkooda Cumrada.
Ugu dambeyn, madaxa qeybta Cumrada ee Madiina Travel Agancy C/qaadir Xaaji Ibraahim ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay sida nabadgelyada leh oo ay usoo dhameysteen safarkooda.