|
|
Cod laga duubay
mid ka mid ah haweenkii lagu xiray shalay Minnesota
|
|
Minneapolis, (Minn) USA (Calanka.com) - 06-Agosto-2010
|
|
|
Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan FBI-da islamarkaana dabagalka ku hayay haweenkii shalay lagu xiray magaalada Minneapolis ee gobolkaasi Minnesota ayaa codad dhowr ah ka duubay mid ka mid ah haweenkaasi taasoo xiriir toos ah la sameyneysa horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab.
Amina Faarax Cali iyo Xaawo Maxamed Xassan oo iminka ku jira gacanta sirdoonka ayaa lagu eedeeynayaa in ay dhaqaale ururin baahsan uga wadeen magaalooyinka Minneapolis, Rochester, Minn iyo dalka Canada kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya islamarkaana lala xiriiriyo ururka argagixisada Al-Qaacida.
Albaab-albaab ayaa la sheegay in ay dadka guryohooda ugu tagi jireen iyagoona ka qaadaya wax walba oo ay awoodaan, hadii ay noqon laheyd lacag, dhar, dahab iyo agab kale.
Mararka qaar ayaa waxa ay qaban jireen shirar ay khadka taleefanada kaga qeyb-qaadanayaan masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo wadaado xaalada Muqdisho la socda isaga dhigaya iyagoona dadka kaga qiireysiinaya si ay wax u baxshaan.
Lacagaha ay inta badan ururin jireen haweenkan ayaa dadka laga qaadayo looga dhigi jiray in loo wado dad masaakiin ah oo ku tabaaleysan magaalada Muqdisho kuwaasoo dagaalada ka barakacay.
Amina Cali oo sano hore (2009-kii) gurigeeda baaritaan ku sameeyeen sirdoonka ayaa laga duubay hadal taleefan ay kula hadleysay masuul ka tirsan Al-Shabaab kadib baaritaanka, waxaana ay tiri:
"Cadowgii halkan ayaa maanta ii yimid oo su`aalo i weydiiyay, alaabteydii oo dhana waa ay qaateen oo baaritaan ayay ku sameynayaan. Wax taleefan ah haka qaban cidna", ayay ku tiri taleefanka Aamina.
Waxaa sidoo kale laga duubay codad iyadoo ka hadleysa goobaha ay lacagaha ku ururin jirtay iyadoona hadaladii laga qabtay ay u dhignaayeen sidatan: "Ilooba howlaha kale ee aad ku jirtaan, culeyska saara JIHAADKA".
Amina ayaa lagu eedeynayaa in ay u dirtay kooxaha argagixisada ee Soomaaliya (Al-Shabaab) lacag dhan 8,608 oo dollar, iyadoona lacagahaasi kala dirtay Sept. 17, 2008 ilaa July 5, 2009..
Labadan dumar ayaa caan ka ahaa Minnesota, waxaana ay ku caan bexeen u ololeynta iyo dhaqaale u ururinta kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya.
Xigasho: http://www.google.com/hostednews/ap/article/
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
|
|
|
|
|
|
|