|
Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ku sugan caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii xildhibaanimo ee baarlamaanka, kadib markii uu wareysi siiyay saxaafadda.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Cali C/laahi Xasan (Cali Ganey) ayaa sabab uga dhigay is casilaadiisa waxqabad la`aan xagga dowladda ah iyo in dowladda ay xil iska saari weysay amaanka mudanayaasha Barlamaanka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda.
Madaxda dowladda ayuu si kulul u eedeeyay, gaar ahaan gudoonka baarlamaanka, waxaana uu sheegay in uu xildhibaan ahaa mudo sanad iyo sideed bilood ah.
Falkii shalay lagu dilay lixda xildhibaan iyo shacabka kale ayuu ka tacsiyeeyay Cali Ganey, waxaana uu sheegay in uu aad uga xunyahay falkaasi argagaxa leh.
Xildhibaankan xilka isaga tagay ayaa baarlamaanka kaga soo biiray dhanka isbaheysigii dib u xoreynta, waxaana uu ka mid ahaa dadkii isbaheysigaasi aadka uga ololeyn jiray dibadda, gaar ahaan dalka Norway.
Is casilaada mudanahan ayaa imaaneysa maalin kadib markii magaalada Muqdisho kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen lix xildhibaan iyo dad kale oo rayid ah kuwaasoo marka tiradooda la isu geeyo noqoneysa 33-ruux.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|