.
.
Photo: Getty Images

Wadaadka gaalada ugu sareeya oo maanta diray baaq Soomaalida ku aadan

Rome, Italy (Calanka.com) - 25-Agosto-2010


Pope Benedict XVI oo ah wadaadka ugu sareeya gaalada ayaa maanta ka hadlay dagaalada iyo dhimashada baaxada leh ee labadii maalmood ee u dambeeyay ka dhacayay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho halkaasoo laba maalmood gudohood lagu dilay in ka badan 65-ruux, laguna dhaawacay in boqol ka badan.

Wadaadkan oo dad tiro badan kula hadlayay magaalada Castel Gandolfo, oo 40 kilo mitir u jirta magaalada Rome (Italy) ayaa sheegay in waxa ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo lagu jiro bishii ugu kheyrka badneyd ee Muslimiinta aysan aheyn wax indhaha laga daboolan karo.


Wuxuu baaq u diray beesha caalamka, isagoona ku adkeeyay in la bad-baadiyo xuquuqda bini`aadamnimada iyo nolosha dadka Soomaalida.

Waxa uu sheegay in laba maalmood gudohood ay ku dhinteen caasimadda Soomaaliya in ka badan 65-ruux oo u badan dad shacab ah.

Hadalka Pope-ka ayaa kusoo beegmaya xilli ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda magaalada Muqdisho.

Warkan oo English ah: http://www.news24.com/Pope-decries-Somali



Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia