.
.

Xaaladda Muqdisho oo saakay daggan

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 26-Agosto-2010


Waxaa degenaansho laga dareemayaa saakay degmooyinkii lagu dagaalamayay sadexdii maalmood ee u dambeeyay ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dagaalamayeen ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam oo iyana isku dhinac ah.

Inta la og yahay sadexdii cisho oo ay dagaala socdeen ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 80-ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 125-ruux.


Wali waxaa ay kala joogaan dhinacyada dagaalamaya goobihii ay horay ugu kala sugnaayeen, mana jirto cid guul ka gaartay dagaaladii cuslaa ee sadexda cisho socday.

Dhanka kale degmada Waaberi ayaa waxaa ay ciidamada boolisku kusoo bandhigeen meydka nin ay sheegeen in ay xalay dileen kadib markii uu isaga iyo sadex kale weerar kusoo qaadeen xarun ay daganaayeen ciidamo boolis ah.

Ninkan ay boolisku dileen ayaa ku hubeysnaa qori fudu oo bambooyin wata, waxaana goobta ka cararay labadii nin ee la socotay kuwaasoo ay boolisku sheegeen in ay ku raad joogaan.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia