Dagaal ka dhacay
xalay kontrolka Afgoye iyo meydad shabaab oo la helay
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 26-Agosto-2010
Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdhexe kusoo qaaday weerar fariisimo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin X-kontrol Afgooye, halkaasoo uu ka dhacay dagaal socday wax ka yar saacad.
Ilaa sadex meyd oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa saakay laga helay goobihii lagu dagaalamay xalay ee X-kontrol Afgooye, waxaana kusoo xoomay dadweyne iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Sarkaal u waramay shabakada Calanka oo ka mid ah ciidankii xalay kula dagaalamay maleeshiyaadkan kontrolka Afgooye ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xalay abaare sagaalsaac, waxaana sheegay in ay iska caabiyeen islamarkaana ka reebeen kooxdii weerarka soo qaaday sadex maleeshiyo meydadkooda iyo hubkii ay siteen.
Dhanka kale waxaa saakay daggan xaaladd deegaagaanadii lagu dagaalamayay sadexdii maalmood ee eynu soo dhaafnay, iyadoona wali la kala joogo halkii horay loo kala joogay.