|
Maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa maanta xoog kula wareegay qaar ka
mid ah masaajida magaaladaasi kadib markii ay xabsiga u taxaabeen imaamyo kasoo horjeestay talaabta lagula wareegay masaajida.
Madaxa tacliinta maamulka
Shabaab ee magaaladaasi Cabdinaasir Cabdalla Al-faysal ayaa saxaafada waxaa uu u
sheegay in ay maamulkooda la wareegeen ilaa shan masjid oo ku yaalay gudaha
magalada kismaayo.
Masaajida maanta ay la wareegeen maleeshiyada shabaabka ayaa waxaa ay kala
yihiin masjidka Xaaji Jaamac, Masjidka Calaymul Kulli, Masjidul Nuur iyo
labo masjid oo yar yar oo ku yaalo xafada calanley.
Gacan ku haynta masaajidda ay Shabaabku la wareegeen maanta ayaa waxaa horay u hayay culumo Ahlu Sunna Waljameeca ah.
Howlgalkaan ay magaalada Kismaayo ka sameeyeen maleeshiyada Al-shabaab waxaa
siyaabo kala duwan uga hadlay, waxgaradka jubooyinka iyo culumada, Waxaana qaarkood ay sheegeen in ay qalad tahay in nin muslim sheeganaayo uu muslim kale kala
wareego masjid.
Madax tacliinta Shabaab ee Kismayo
Cabdinaasi Cabdalla Al faysal iyo maleeshiyo uu wato ayaa waxaa ay durba ka bilaabeen masaajidii ay la wareegeen qudbado ay ugu yeerayaan dadka wax ay ku sheegeen jihaad ka socda Muqdisho.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dagaalo ay kooxdani ku jirto ka socdaan magaalada Muqdisho.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|