Maleeshiyada Xisbiga
oo niyad-jab ka muujiyay
dagaalada aan horumarka laheyn
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 26-Agosto-2010
Qaar ka mid ah dhalinyarada u dagaalanta ururka Xisbul Islaam ayaa niyadjab ka muujiyay dagaalada aan horumarka laheyn ee ka socda caasimadda Muqdisho.
Wariye ka tirsan Calanka oo dhalinyaradan kula kulmay jiida hore ee degmada H/wadaag xilli ay ku jireen nasasho ayay uga warameen xaaladdooda iyo dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.
"Sadex maalmood ayaan hada ka dagaalamayaa barta aan iminka kugula hadlayo, madaafiicdana sidii roobka ayay cadawgu noogu soo ridayaan, macquulna ma ahan in aan talaab horay uga boxo ama gadaal barta aan taaganahay", sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dhalinyarada safka hore ugu jirta Xisbul Islaam oo magaciisa kusoo koobay Colaad.
Waxa uu sheegay in ay shalay isku dayeen in ay la wareegaan wadada halbowlaha u ah garabka kasoo horjeeda ee Makka Al- Mukarrama oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo Amisom, balse arinkaasi ay u suuroobi weydan islamarkaana lagusoo celiyay halkii ay horay u joogeen.
"Shalay duulaan safbalaaran ayaan ku qaadnay wadada Makka, waxaa xitaa nala soo galay safka ciidamo ka socda Al-Shabaab oo badan balse waxaan afka la galin weynay wadadaasi madaafiic, anagana qoriga noogu weyn waxa uu ahaa saban", ayuu ku yiri Colaad wariyaha Calanka.
Colaad ayaa sheegay in lagusoo amray in ay ka dagaalamaan degmada H/wadaan, wuxuuna intaasi raaciyay in aysan dhab ahaan ogeyn waxa ay u dagaalamayaan.
Waxa uu sheegay in uu ka howlgalayay degmada H/wadaag mudo sadex bilood ah islamarkaana uusan dhulka si fiican u kala aqoon xataa haduu horay uga dhaqaaqo dhufeyska.