.
.

Maxay u ooysay Aay-iisho?

London, UK (Calanka.com) - 26-Agosto-2010


Maxay u ooysay Aay-iisho...?!! (sheeko taxane ah) Qaybtii 23-aad:- Ilyaas dib uguma laaban Baarkii, balse wuxuu toos u beegsaday Aqalkiisa. Jaariyaddii Oromada ahayd ayuu ka dalbaday Tarmuus Shaah ah oo mucammir ah, wuxuuna shaahii la galay Qolkiisa, isagoo hoostana ka soo xirtay. Wuxuu bilaabay inuu ka fekero arrinta Iisho. Wuxuu ku camal-falayay Murtiyaha ay ka mid yihiin:-"Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa","Intaadan falin ka fiirso" iwm.

Ilyaas wuxuu si kama-dambays ah u go'aansaday inuu iska furo, oo saddexdeeda siiyo Aay-iisho. Wuxuuse jeclaystay inuu Warqadda Furriinka ka sokow, u diro Qoraal kale, oo sababaynaya Furriinka. Taas wuxuu u yeelayay: isagoo necbaa 'Qoys-burburka' iyo isagoo ka taxaddarayay in ayan arrintu saamayn Agoonta uu Adeerka u yahay.

Qoraal dheer oo uu Ilyaas Habeenkaas u diyaariyay Iisho ayaa waxyaabihii ku qornaa, waxaa ka mid ahaa:-

Walaal Iisho, Salaanta Islaamka 'SCW' ka-dib:-

(*) Waad og-tahay oo kaama dahsoona - haddaadan is-yeelyeelayn -taariikhda aan isla soo marnay. Goob-shaqo ayaannu ka soo wada bilownay. Xididnimo, Dumaashinimo iyo Qaraabonimo ayaa u sii xuub-siibatay: inaan mar 2-aad noqday Agoonta adeerkood...!!. Waxaanna aaminsanahay inaanan kaalintaydii dhankaas ahayd, marna ka gaabin.

(*) Waa hubaal inuu noo dhaxeeyay Jacayl. Kaas oo markiisii hore ka soo bug-yiri dhankaaga, ka-dibna i taabtay aniga oo 80-meeyadii ayay ahayd xilligaas. Laakin adiga ayuu hadda ku eersanayaa Jacaylkaas "Adaa beeray Jacaylka, haddana baabi'inaaya...adaa qooyay Boggayga, haddana Bayr isu-yeelay"...!!.

(*) Layskuma hayo inaan muddo dheer isku soo faraq-xirnayn. Ugu dambayntiina is-guursannay, ka-gadaal markii aan shirnay, showrnay, sharci adagna dhigannay.

(*) Ha-yeeshee Iishooy waxaad ilowday taariikhdaas aan isla soo marnay.

(*) Waxaad u bareertay oo maalinta cad jebisay Qodobbadii heshiiska. Qodobbadaas anigaa keenay, laakin adiguna waad igu raacday.Waxaana la yiraahdaa:-"Talo-keen ahow, ama Talo-raac ahoow".

(*) Waxaa yaabka-yaabkiis ah:- Inaad Addis ka raadinayso Naag aan jirin,oon kula qabo, adigoo og inaad laftaadu ahayd Min-yaro, oo ay jirto Minweyn...!!.

(*) Waxaan tuhmayaa in Naagaha aad Saaxiibka la tahay (Iftin & Ijaabo) ama ragga ku qayila Bushka aad Shaaha ku kariso, ay iyagu ka dambeeyaan Burburka Qoyskeenna...!!.

Duulkaas ayaa Fal-sheydaannimo kaaga adeegtay, sidaan filayo, adiga oo dhanna waa ay ku sumeeyeen...!!. Kuwaas waxaa la xisaabtami doona Allaha weyn, maalinta uu keligiis Boqorka yahay.Waxaana hubaal ah in Qoysas badan oo Soomaaliyeed ay eersadeen Qowmkaas oo kale.

Iishooy Gacaliso, Eedda iyaga ka-sokow, adigaan ku saarayaa. Mana aan rabin inaan ku furo, laakinse adigaa igu qasbaya.Waxaanna ku leeyahay:-"Maxaad Sheekadeennii, intaad shirisay Dumarkii, ugu sheegtay Shalay-galab...!!.Ha i sheegan Inan-yahay, shiddadiyo Jacaylkaba, intaan Shaar u geliyaan, Shalambood la tagiyoon, shib dheh oran, shar iyo khayr".

Ilyaas wuxuu kaloo ku qoray Warqaddiisa, oo hoostana ka xarriiqay:-"Duul aan ducaysnayn, oo aan kuu furi doonin ayaa kuu xiray(raray). Waxay galabsadeenna waa laga goynayaa".

(*) Iishooy ogow...Qorshihii mustaqbaleed ee aan Adiga iyo Agoontaba ugu tala-galay inuu burburay. Anna Kabtaadaan tolayay,adiguna Karfantaydaad tolaysay. Waxaana la eersanayaa: War-naageed, isku dirayaal, fitnawalayaal iyo kuwa uu Quraanku ku magacaabo "Hammaazin, mashaa'in bi-namiim".

(*) Walaal Iisho, Ruuxa kuu wada Qoraalkaan, wuxuu kaloo kuu wadaa oo aan kuugu soo dhiibay Warqaddii furriinkaaga, Lacagtii Meherka iyo Qaddar kaloo maaliyad ah, oo aan kugu kaalmeynayo. In lays-dhaqdo iyo in lays-dhigane waxba kama dhaxeeyaan...waanna ku dhigay abaayo.

Ilyaas wuxuu ku soo gabagabeeyay Qoraalkiisa:-Abaayo Hees-ciyaareed ka mid ah kuwa deegaannada Hareeraha Webiyada ayaa waxaa jiibteeda ka mid ahayd:-"Ninkii noogo waa neebsahaa....","Nabar la filayayna Naxdin ma leh"....!!.

La soco Qaybta 24-aad...
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy -
kalmoi@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia