.
.

Taksiile toorey la galiyay kadib markii uu sheegay in uu Muslin yahay

New York, USA (Calanka.com) - 27-Agosto-2010


Darawal taxi oo ka shaqeysta magaalada New York ee carigaasi Mareykanka ayaa toorey la galiyay kadib markii uu sheegay qirtay in uu yahay nin Muslim ah.

Ahmed Hassan Sharif (43) oo kasoo jeeda dalka Bangaladesh ayaa kasoo qaaday koonfurta Manhattan ee magaalada New York nin lagu magacaabo Michael Enright (21) kaasoo markii uu taksiga soo galay weydiiyay in uu Muslim yahay.

Markii uu darawalku u cadeeyay arrinkaas oo uu qiray in uu Muslim yahay ayuu Michael lasoo baxay toorey weyn taasoo uu ka galiyay qoorta, wajiga iyo garabka.

Michael Enright oo maxkamad lasoo taagay ayaa sheegay in uu saqraansanaa markii uu falkani dhacayay, wuxuuna ka booday taksiga kadib markuu dhaawacay darawalka.

Ahmed ayaa iminka xaaladiisu wanaagsan tahay, waxaana uu darawal ka ahaa magaalada New York mudo 15-sano ah isagoona iminka ku waaninaya darawalada kale ee muslimiinta ah in ay feejigneedaan.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada New York ay ka taagan tahay xiisad masjid laga dhisayo halkaasi, taasoo kala qeybisay shacabka reer New York.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia