.
.

Caasha Cali oo lagu xukumay 9-sano oo xarig

Christchurch, New Zealand (Calanka.com) - 27-Agosto-2010


Maxkamd ku taal dalka New Zealand ayaa sagaal sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caasha Cali Cabdille, taasoo diyaarad ku afduubtay dalkaasi sanadkii 2008-da.

Caasha oo 36-jir ah ayaa afduubtay diyaarad yar oo u kala gooshta magaalooyinka Blenheim iyo Christchurch sanadkii 2008-da, waxaana xukunkeeda sagaalka sano ah uu maxkamada ku qaatay oo kaliya laba saacadood.

Sadex mindiyood ayay Caasha ku hubeysneyd markii ay afduubaysay diyaaradda, waxaana sida ay maxkamada u sheegtay ujeedkeedu ahaa in ay ka badxo dalka oo ay aado dalka Australia.

Waxay dhaawac fudud u geysatay wadayaashii diyaarada, kadib markii ay ka dhaga adeygeen amarkeedii ahaa in diyaaradda loo weeciyo dhanka dalka Australia oo daris la ah New Zealand.

Qareenkii u doodayay Caasha ayaa maxkamadda ka akhrisyay qoraal kasoo baxay Caasha, wuxuuna u dhignaa sida tan: "Markii aan go`aansaday in aan qaato diyaarada, go`aankeyga ma aan badelin. Ma dooneyn in aan qof dhibaateeyo ama dilo, balse waxaan doonayay oo kaliya in aan dalka isaga boxo oo aan Australia galo".

Caasha ayaa iminka ku jireysa xabsi mudo lix sano ah, waxaana laga jarayaa labada sano iyo barka ee ay horay ugu jirtay xabsiga, tiradaasoo marka la isku daro xukunkeedu ka dhigayo 9-sano oo xarig ah.

Caasha ayaa lagu sheegay in ay tahay qofkii ugu horeeyay oo lagu xukumay afduub diyaaradeed taariikhda dalka New Zealand.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia