|
Dowlada Kenya ayaa dhagaha ka fureystay baaqyo ka soo yareeya maxkamada dambiyada dagaalka aduunka iyo hay'adaha u dooda xuquuqul inskaanka kuwaasi oo codsanaya in ay xerto madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-basheer kaasi oo lagu eedeynayo dambiyo dagaal.
Maxkamada dambiyada dagaalka aduunka ayaa Kenya ku adkeeyneysa in ay fuliso heshiiski Roma ee lagu dhisay maxkamadaas taasi oo xuseysay in dalalka saxiixay ay gacan ka geeystaan qabashada dadka la doonyo .
Xukuumadda Nairobi ayaa xustay in al-Bashiir uu dalkeeda ku yimid codsi loo fidiyay kaasi oo qeyb ka ah martiqaadka ay u fidiyeen dalalka la dariska ah .
Hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku eedeeyay Kenya in ay jibineyso hishiis ay horay u saxiixday, dabaal-degii dastuurka cusub ay ku wasaqeysay casuumada al-Bashiir .
Madaxweynaha Suudaan ayay booqashadan u tahay midii labaad oo uu cagta ku dhigo dalal saxiixay hishiiskii lagu yigleelay maxkamadaas ,waxa uuna horay u gaaray dalka Chad.
Maxkamada dambiyada dagaalka aduunka ayaan laheyn ciidan boolis, waxa ayna cagan ka helaan dalalka saxiixay hishiiskii lagu dhisay.
Ururka midowga africa ayaa dhawaan si wada jir ah uga soo horjeestay in Al-bashiir aan la xeri karin oo aan la qaban doonin inta uu hayo xilka madaxweynimo .
Maxkamadaan ayaa sanadkii 2002-da lagu aas-aasay magaalada Roma, waxaana la soo taagay tiro madaxweynayaal ah oo uu ku jiro madaxweyne Afrikaan ah .
Mr.Al-bashiir ayaa lagu eedeynaya in uu galay dambiyo dagaal,iyadoo loo haysto xasuuqyo ka dhacay gobolka Daarfoor ee galbeedka Suudaan oo ay ku dhinteen boqalaal kun oo qof .
Dhankiisa ayuu iska fogeeyaymadaxweynuhu eedeymahaasi, waxaana uu ku sheegay kuwo ay soo maleegeen cadowga dalka Suudaan.
Maryama (Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|