.
.

Shabaab & Xisbiga oo kusoo sikaday wadada Makka Al- Mukarrama, & dagaalo maalinkii 5-aad socda

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 27-Agosto-2010


Dagaal ayaa maalinkii shanaad waxa uu ka socdaa magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda, Ahlu-sunnah iyo kuwa Amisom oo isku garab ah iyo maleeshiyada Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam oo iyana isku dhinac ah.

Dagaalkii maanta oo xooggiisa dhacay galabta ayaa waxaa uu ka socday degmooyinka Hodan iyo H/wadaag, halkaasoo ay dhinacyada dagaalamaya isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Maleeshiyaadka Shabaab iyo kuwa Xisbiga ayaa lagusoo waramayaa in ay soo jiireen fariisimo ay ka dagaalamayeen maleeshiyada Ahlu-Sunnah oo ka mid ah Mowlicii Macallin Nuur ee degmada Hodan.

Dhanka kale dagaalkii ka socday waqooyiga Muqdisho ayaa maanta ka qaboobaa sidii hore, waxaana taas loo micneynayaa maleeshiyaadka mucaaradka oo culeyska saaray dhanka degmooyinka Hodan iyo H/wadaag.

Tirada dadka ku dhintay dagaaladan socda mudada shanta maalmood ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan 90-ruux, halka uu dhaawucuna caga-cageynayo tiro ku dhow 200.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia