|
Maxay u ooysay Aay-iisho...?!!
(Sheeko taxane ah)
Qaybtii 24-aad:-
Iisho iyadoo caraysan, oo isla Gar leh, ayay dib ugu laabatay Diridhabe. Durba waxaa Midig iyo Bidix ka soo kala fariistay Iftin iyo Ijaabo. Labadan ayaa Iisho ka waraystay wixii ay kala soo kulantay Ilyaas. Warbixin ay Iisho bixisay ka-dib, waxay labadii Naag ku boorriyeen Iisho: inayan u jixin-jixin caga-juglaynta Ilyaas. Iftin ayaa tiri:-"Ilyaas inta uu wax qarribay ayuu Qiiqa isku qarinayaa...waa sidaas nimanka badankood". Ijaabo ayaa raacisay:-"Tuug la qabtay Talo ma leh".
Dhanka kale, Ilyaas wuxuu isla-habeenkii uu Warqadda qorayba Kulan gaar ah la yeeshay: Saaxiibbadiisii Aqalka la degganaa. Wuxuu siiyay Warbixin la xiriirtay arrimaha Iisho iyo Go'aanka uu qaatay oo ah "Furriin". Dood dheer ka-dibna wuxuu Ilyaas ku-dhawaaqay inuu furay 'Aay-iisho'. Wuxuuna Warqad marqaatinimo ah ka saxeexay Saxiibbadiis.
Markii uu Waagii beryay wuxuu Ilyaas Warqad rasmi ah oo furriin ah ka diyaariyay Maxkamadda Degmada. Wuxuu kaloo Baqshad weyn ku riday labadii Warqadood iyo Labadii Lacagood ee uu ugu tala-galay Iisho.
Toddobaad ka-dib, wuxuu Ilyaas Baar-calaacal kula kulmay Sh.Iidle oo ka mid ahaa Sheekhyadii isku meheriyay isaga iyo Iisho. Sheekhan wuxuu Addis-ababa u joogay maalmahaas qaraabo-salaan iyo amuuro kale oo isaga u gaar ahaa. Ilyaas wuxuu Ballan u dhigay Sh.Iidle. Wuxuuna yiri:-"Marka aad Diridhabe ku laabanaysid, fadlan ii soo dir telefoon, si aan kuugu sii dhiibo Waraaqo iyo Masaariif aan ugu tala-galay Iisho".
Ilyaas tafaasiil kama siinnin Sheekha Warqadaha iyo Lacagaha uu u dhiibay. Wuxuu yiri oo keliya:-"Sheekhow Amaannadaan farta ka saar Iisho, iguna salaan".
Goor ay maqribyadii ahayd ayuu Sh.Iidle gaaray Diridhabe. Wuxuu ku leexday Aqalkii Iisho. Wuxuuna Salaan ka-dib yiri:- "Iga guddoon Amaanadaan, waxaa kuu soo dhiibay Ninkaaga Ilyaas, wuuna ku soo salaamayay". Wuuna iska sii baxay Sh.Iidle. Xilligaas waxaa Iisho ag-fadhiyay Gabadheeda Ifraax, Wiilkeeda Ibraahim iyo weliba Iftin iyo Ijaabo.
Iisho ayaa Qolkeedii gashay. Baqshaddii ayay furtay. Waxay ka soo saartay Lacagihii. Waa ay tirisay, ka-dibna waxay ku ridday Santuuq. Labadii Warqadood ayay soo dhifatay. Tii korraysay oo Dhambaalkii ahayd ayay ku bilowday inay si deggan u akhriso....!!.
Iisho oo nuxurka, ujeeddada iyo dulucda fahamtay ayaa ilmaysay, hig-higleysay, ka-gadaalna si toos ah u ooysay (Baroorash). Waxaa oohintii maqlay dhammaan dadkii Aqalka ku sugnaa, ee isugu jiray Caruurteedii iyo Iftin iyo Ijaabo. Kulligood waa ay ka wada naxeen Furriinka Iisho. Ha-yeeshee, Iftin ayaa waxay la soo boodday:-"Ha ooyin walaal...waa caadi...Naag waa la guursadaa, lana furaa...anigaba in ka badan 10-jeer ayaa la i soo furay,weligayna ma aan ooyin".
Ijaabo ayaa iyaduna tibaaxday:-"See camalkaa Iisho, may haddiis Ilyaas ku furay Feer maa kaa jabtay...Nin kale maa waaheysaa...Niman waa buuxaan".
Laakin, Iisho ayaa iyadoo weli ilmaynaysa bixisay Jawaabahaan:- "Waxaan la ooynayo ma aha nin-jacayl iyo in lay furay...taas ma aha sababta...laakinse waa qoomamayn iyo shallayto ah: inaan lumiyay Fursad qaali ah oo i soo martay aniga iyo Caruurtaydaba".
Iisho waxaa kaloo ay Carrabka ku ballaarisay:-"Waxaan la ooyayaa inaan lumiyay Shakhsi qaali ah, daacad ii ahaa, qorshe ii waday, abaal horena ii galay"." Waxaan ka xumahay inaan jebiyay oo fulan waayay Qodobbadii aan ku heshiinnay aniga iyo Baarrigaygii Ilyaas ahaay".
Iisho waxay kaloo si kulul uga hor-tiri Iftin iyo Ijaabo:- "Anigaa galabsaday in lay furo, waayo waxaan raacay Naago-hadalkood iyo Duul in ay reer dumiyaan maahine aan reer dhisayn"." Anigaa feejignaan waayay...anigaa dhegaha u raariciyay fitnawalayaal, dab-shidayaal, guri-dumiyayaal, isku-dirayaal iyo warxumo-tashiillo". Waxaase la yiri:-"Shallaayto waa dambeysaa". Waxaa kalooy ku heeseen Hobolladii Waaberi:-"Nin is-dilay dan how gelineey sidirgam...hoobaloow heelleey".
Murti dhaxalgal ah ayaa iyaduna tiraahda:-"Saddex dib uma soo laabtaan:-
(1) Fursadda: Haddii ay ku dhaafto.
(2) Hadalka: Haddii uu Afka ka baxo.
(3) Xabadda:- Haddii laga rido Qoriga...
D H A M A A D
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Tripoli-Libya...
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|