.
.

Dagaaladi Muqdisho oo galay maalinkii 6-aad

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 28-Agosto-2010


Waxaa maalinkii lixaad ka socda caasimadda Muqdisho dagaalo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku garab ah, iyo kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam oo iyana isku dhinac ah.

Dagaalkan galay maalinkii loxaad ayaa ka dhashay barakac baahsan, iyadoo wadooyinka qaar ee muhiimka u ah magaalada ay ku xirmeen.

Duqeymo la isweydaarsanayo ayuu u badan yahay dagaalka maanta, waxaana ay madaafiicda la isweydaarsanayo ku dhacayaan goobo ka baxsan halka lagu dagaalamayo.

Degmooyinka lagu dagaalamayo maanta ayaa ah Hodan iyo H/wadaag, waxaana daggan degmooyinka waqooyiga ay isku horfadhiyaan garabyada dagaalamaya.

Shalay gabal dhicii ayaa waxaa ay maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa Xisbiga ka qabsadeen fariisin ay ku lahaayeen degmada Hodan maleeshiyada Ahlu-Sunnah, waxaana fariisinkaas oo ah mowlicii macalin Nuur saakay shir jaraa`id ku qabtay ninka gobolka Banaadir u qaabilsan kooda Shabaab.

isu socodka degmooyinkan lagu dagaalamayo ayaa aad u yaraaday, waxaana wadooyinka lagu arkayaa dadweyne fara ku tiris ah kuwaasoo ka qaxaya xaafado horay looga cararay oo ku yaal labadan degmo ee Hodan iyo H/wadaag.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia