.
.

Ciidamo Itobian oo gudaha usoo galay xuduuda Somaliya

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 28-Agosto-2010


Ilo wareedyo gudaha Somaliya laga helay ayaa sheegaya in tiro ciidamo Itoobiyaan ah oo ay la socdaan ciidamo Soomaaliyeed ay gudaha u soo galeen xuduuda Somaliya .

Saxafi Somaliyed oo u waramayay tv-ga CNN ayaa sheegay in ciidamadasi ay rasaas isku dhaafsadeen degmada Dooloow kooxo hubeeysan oo al-shabaab taabacsan .

Ciidamadasi aya la xaqiijiyay in weli ay ku sugan yihiin Dooloow iyadoo ilaa haatan aan xog dhab ah laga helin ujeedka soo galitaankooda.

Laakiin mas'uul Somaliyed aya beeniyay in ciidamo itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen xuduuda Somaliya.

Cabdi fataax Geesey oo ah duqa gobolka Bay ee K/galbeed Somaliya ayaa ku tilmaamay wararkaasi kuwo la soo dhoodhoobay .

Wararkani ayaa soo baxaya xilli kooxda al-shabaab ay u muuqato kuwo ciriiri gilinaya jiritaanka dowlada xilli goobo muhiim ah ka sii qabsanayaan caasimada .

Maryama (umu shureem)
seymuun@yahoo.com
Xafiiska calanka ee muqdisho

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia