.
.

Muqdisho oo maanta daganaansho ka jirto

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 29-Agosto-2010


Waxaa daggan maanta xaaladda degmooyinkii lagu dagaalamayay lixdii maalmood ee aynu soo dhaafnay ee magaalada Muqdisho.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa wali ku kala sugan goobihii ay kala joogeen lix laalmood ka hor.

Inta la ogyahay 100-ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaaladan socday mudada isbuuca ah, waxaana intaa sii dheer khasaarooyin soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay kuwaasoo aan si rasmi ah loo sheegi karin.

Sidoo kale dagaaladan ayaa waxaa ku dhaawacmay oo cusbitaalada jiifa in ka badan 200-ruux oo isugu jira kuwo cusul iyo kuwo fududba.

Maanta duhurkii ayay wararka qaar sheegayeen in la isweydaarsaday madaafiic, kuwaasoo markii dambe istaagay.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia