.
.

Gadood shaqaale oo ka socda gudaha Universal TV

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 29-Agosto-2010


Ilo xog ogaal oo la helay ayaa tilmaamay in gudaha Tv-ga Universal uu ka taagan yahay gadood xooggan kaasi oo saameyn ku yeelanaya shaqadi tv-ga.

Warku waxa uu sheegaya in shaqaalo muhiim ah oo ku sugan gudaha xarunta tv-gaasi ay shaqadii joojiyeen kuwaasi oo la safan agaasimihii tv-ga u qaabilsana Africa iyo Asia iyo waliba suuq geynta C/qaadir Cali (Tuundhe) oo qilaaf dartiis tv-ga uga tagay.

Wariye ka tirsan Tv-ga Universal oo magaciis qariyay ayaa Calanka u sheegay in qilaafka agaasime C/qaadir Cali iyo mulkiilaha tv-ga uu ka dhashay lacago tv-ga ka soo galay dastuurka cusub ee Somaliya loo diyaarinayo kaasi oo suuq geyntiisa tv-ga uu lacago kaga qaatay UNDP .

Mas'uulkaasi oo inta badan xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay shaqaalaha tv-ga ayaa dhaliyay in shaqaalo muhiim ah raacaan, tv-gana macsalaameeyaan.

Farsama-yaqaanadi tv-ga oo ugu horeeyo Abukar Mahdi ayaa shaqada joojiyay, ilaa 30 shaqaale oo dalka iyo dibada ku sugna ay gadood sameeyeen.

Ilo wareed si gaar ah Calanka u helay ayaa sheegay in C/qaadir Tuundhe uu qorsheynayo in Taleefeshin cusub uu hawada so giliyo, kaasi oo in muddo ah si gaar ah ugu qorsheysnaa .

Tv-gaasi ayaa la tilmaamay in bisha soo socota uu hawada soo galayo, shaqaalaha la gadooday Tuundhana ay halkaasi ka shaqo bilaabayaan.

Ma jiraan ilaa haatan wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka tv-ga oo ku aadan waxa dhacayo.

Tv-ga Universal ayaa lacago tira badan lagu siisay socodsiinta dastuurka qabyada ah, waxaana socda dacaayado uu ay sameynayaan .

Calanka news desk

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia