|
Horjooge ka tirsan Xisbul Islaam islamarkaana maanta kulan la qaatay wariyayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa uga digay wararka iyo warbixinada ay ka gudbinayaan goobaha ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Xisbul Islaam.
Cali Sh. Cumar oo ah madaxa warfaafinta xisbiga ayaa u sheegay wariyayaasha in wariyihii lagu arko isagoo maamulka iyo goobuhuu gacanka ku hayo ka gudbinaya war ama warbixin uu muteysan doono xukun dil ah.
Hanjabaada horjoogahan ee wariyayaasha ayaa kusoo beegmaya xilli degmada Afgooye ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maamulka Xisbiga iyo shacabka degmadaasi, iyadoona laga soo warinayo halkaasi tacdiyado maleeshiyaadka xisbigu ka geystaan degmadaasi.
Dhawaan ayay ayehd markii maamulka Xisbiga ay xabsiga u taxaabeen ganacsato sheegtay in ay diidaan dhiibida lacago ay kusoo rogeen maamulka Xisbiga.
Waxaa sidoo kale ay arintani imaaneysaa xilli maleeshiyada Xisbiga ay si bareer ah u dilaan shacabka degmada Afgooye oo aan cidna isweydiin.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|