|
Dhakhtar umuliye ah iyo kal-kaalihiisa ayaa ku kor feertamay haweeney foolaneysa oo uu cunuga kasoo jeedo, kadib markii uu muran dhexmaray.
Dhacdadan oo ka dhacday cusbital ku yaal magaalada Messina ee gobolka Sicilia, Italy ayaa timid kadib markii haweeneydii foolaneysay oo lagu magacaabay Laura Salpietro (30-jir) uu cunugu ku dhagay isagoo qaarka dambe gudaha ugu jira.
Labada dhakhtar ee feertamay oo lagu kala magacaabo Vincenzo Benedetto iyo Antonio De Vivo ayaa ku murmay in cunuga lagu qalo haweeneyda foolaneysa iyo in kale maadaama uu cunugu banaanka usoo wada bixi waayay.
Dhakhtarka ayaa ku taliyay in xoogaa la sugo islamarkaana haweeneydu u foolato si caadi ah, waxaana talada dhakhtarka ka carooday kal-kaaliyaha oo doonayay in qaliin lagu boobsiiyo haweeneyda maadaama uu u adkeysan waayay xanuunkeeda.
Matteo Molonia (37) oo ah ninkii qabay haweeneyda foolaneysay ayaa kala celis ugu dhaqaaqay labadii dhakhtar ee feertamayay xilli xaaskiisii xanuun hayo, waxaana markii uu u taagi waayay u doontay banaanka caawimaad.
Feerka labadan dhakhtar dhexmaray islamarkaana qaatay waqtiga ayaa sababay in saacad kadib lagu qalo haweeneyda cunuga, iyadoona lumisay ilmagaleenka sababo la xiriira cunuga oo ku daahay iyo dhiig badan oo ka baxay.
Maamada foolatay iyo cunugeeda ayaa la jiifa xanuun cusbitalka, waxaana dhakhaatiirta ay u cabsanayaan mustaqbalka wiilka dhashay ee lagu daahiyay kafka hooyadiis.
Wasiirka caafimaadka Talyaaniga Ferruccio Fazio oo soo faragaliyay arintan ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid aan la aqbali karin, waxaana shaqada si kumeel gaar ahaan looga eryay labadii dhakhtar ee feertamay.
Labaduba waxaa su`aalo weydiiyay booliska dalkaasi.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|