.
.

Safiir Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Zambia

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 29-Agosto-2010


Ilo caafimaad oo laga helayo magaalada Lusaka ee dalka Zambia ayaa ku waramaya in daruufo aan la aqoon uu ugu geeriyooday dalkaasi safiirkii Somaliya ee dalkaasi .

Maydka safiirka ayaa laga helay gudaha suuliga safaarada, isaga oo dhulka yaal, dhiigna uu ka socdo sanka iyo afka .

Ehelka safiirka geeriyooday Cumar Maxamed Cumar oo 53-sano jir ahaa ayaa sheegay in safiirka telkiisa kala xariireen markii uu ku soo daahay suuliga laakiin jawaab laga waayay aya keentay in suuliga jiireen jawaabtuna waxa ay aheyd in ay heleen isaga oo meyd ah dhulka tuuraan.

Booliska Zambia ayaa baaraya daruufaha uu ku geeriyoday safiirka ,iyadoo la tibaaxay in safaarada joogitankeeda uu badnaa kaligiis .

Darawalka safiirka ayaa saxaafada u sheegay in mudooyinkani dambe uu marxuumka ku cel celinayay goobaha caafimaadka isla markaana safiirka xanuun uu dareemayay.

Booliska ayaa laga sugayaa jawaab ka dib baaritaankasi ay sameynayaan iyo su'aalo ay weydiinayaan shaqaalaha safaarada.

Dowlada Somaliya ayaan ilaa haatan ka hadal geerida safiirkeeda xilli warbaahinta dalka ay si weyn warkaana u qaada dhigayaan .

Maryama(Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia