|
Kooxda al-shabaab ayaa ganaax lacageed dul dhigtay beelaha dega gobolka Sh/dhexe ka gadaal markii beelahasi dhagaha ka fureesteen codsiyo al-shabaab uga yimid kaasi oo xusayay in al-shabaab lagu caaweeyo ragga si daalada socda uga qeyb giliyaan.
Beel waliba sida uu xajmigeedu yahay(mugeed ama baaxad) ayay lacgta u ganaaxa u bixinayaan maadaama in ragg ciidan ahaan loo adeegsado beeshooda ka soo saari waayeen.
Beelaha waa weyn ee Jowhar ku dhaqan beel waliba lacag dhan 9-kun oo doolar ayaa lagu ganaaxay bixinteeda halka beelaha yar yar-na laga rabo 3-kun doolar.
Howsha aruurinta lacagahasi ganaaxa ay waxaa u xilsaaran Sheekh Bukhaari oo ah waaliga walaayada shabelada dhexe.
Al-shabaab ayaa xustay in tani ay tahay abaal marinta beelaha maadaama ka jiifteen codsiyada kooxda.
Waxaa xusid mudan in inta badan dadka dega jowhar iyo deeganada kale ee dhaca sh/dhexe ay yihiin dad fuqaro(dad aan wax haysan) noloshoodana ku tiirsan tahay falashada beeraha .
Maryama(Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|