.
.

Jack Wilshere oo gacan ka jabiyay haweeney ay wada murmeen, xabsina loo taxaabay

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 30-Agosto-2010


Laacibka qadka dhexe kubada uga maamula kooxda Arsenal una dhashay dalka Ingiriiska jack Wilshere ayay booliska xereen ka dib markii uu gacanta ka jbiyay haweeney ay wada murmeen halka nin haweneyda la socdayna feer uu wajiga kaga badalay.

Goob habeenkii lagu caweeyo oo magaalada London ah ayay ka dhacday arintaani ,waxaana la arkyay Wilsher oo qaylinaya laguna xoonsan yahay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in doodu ka bilaabatay haweeneyda uu Wilshere ninka kale kula qabsaday ,waxa ayna intasi raaciyeen in hawneyda uusan isaga gacanta ka jibin laakiin dhulka ay ku dhacday aawadeed u jabtay.

Marqaati kale oo maqaayada lagu caweeynayay ka shaqeeynayay sheegay in uu arkayya jawi rabsho iyo rag la socday Wilshere oo buuqaya laakiin laacibka uu muuqdayay mid dajinayay xaalada .

Warbixintu waxa ay intaasi ku dareysa in xitaa laacibka qudhiisa uu dhiig ka qul qulayay afkiisa ,iyadoo ugu dambeyntiina booliska ay goobta soo gaareen deedna la xeray laacibka iyo waxii kale oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

Maryama(Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia