.
.

Ahlu-Sunnah oo dib u qabsatay mowlicii Macallin Nuur

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 30-Agosto-2010


Dagaalyahanno Ahlusunnah Waljamaaca oo garabsanaya ciidamada dowladda ayaa dib ula wareegay mowlicii Macallin Nuur oo ay maalmo ka hor ka qabsadeen kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Sarkaal u hadlay Ahlusunnah oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in mowlaca Macallin Nuur ay dagaal uga qabsadeen kooxaha mucaaradka shalay galinkii dambe, waxaana uuna intaa ku daray in ay iyagu iminka ku sugan yihiin Mowlicii Macallin Nuur iyagoo garabsanaya ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

"Horaan idin kugu sheegnay in aan ku laaban doono mowlaca Macallinka, markii horana waxaan uga baxlay xeelad dagaal", sidaa waxaa yiri sarkaalkii u hadlay Ahlusunnah ee warbaahinta u waramayay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii maleeshiyaad ka tirsan kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam ay dagaal kula wareegeen mowlacaasi.

Dhanka kale dagaalkii Muqdisho ayaa galay maalinkii sideedaad, walow uusan u cusleyn sidii uu ku bilowday maalmo ka hor.

Ku dhawaad 120-ruux ayaa ku dhintay tiro ka badan 200-na waa ay ku dhaawacmeen dagaalada ka socda Muqdisho mudada sideeda cisho.

Xigasho: http://af.reuters.com/article/somaliaNews


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia