.
.

Hoobiye ku habsaday askar AMISOM

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 30-Agosto-2010


Afar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa ku dhintay hoobiye ay soo tuureen kooxaha mucaaradka kaasoo kula habsaday gudaha xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya.

Warkan ayaa waxaa saxaafadda u cadeeyay afhayeenka ciidamada Amisom ee Muqdisho Barighye Behuko, wuxuuna intaasi ku daray in weerarkani ay ku dhaawacmeen sideed kale oo askar Amisom ah.

Askarta dhimatay ayaa waxa ay u dhasheen dalka Uganda, waxaana ay ka mid ahaayeen ciidamada waardiyaha ka haya xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya.

Tirada guud ee ciidamada Amisom ee ku nafwaayay gudaha dalka Soomaaliya ayaa iminka kor u dhaafaya 40-askari tan iyo markii ay soo caga dhigeen magaalada Muqdisho sadex sano ka hor.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia