.
.

Fanaanada Nimco Dareen oo beenisay war horay uga baxay Calanka

Nairobi, Kenya (Calanka.com) - 31-Agosto-2010


Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Nimco Cabdi (Nimco Dareen) oo xiriir la soo sameysay shabakadda warbaahinta Calanka ayaa si kulul u beenisay war horay uga baxay shabakada kaas oo wariye ka tirsan Calanka kasoo tarjumay bog carbeed oo afka carabiga ku qoran.

Nimco ayaa sheegtay in warkaa laga faafiyay oo ahaa mid si khaldan looga tarjumay nolol-maalmeedkeeda fanka iyo waliba arrimeheeda gaarka ah uu ahaa mid been abuur ah, waxaana ay intaa ku dartay in aysan siin wax wareysi ah bog carbeed iyo mid soomaali ah intaba.

"Runtii, waan yaabay oo aad ayaan uga xumaaday markaan arkay warkan ku qoran Calanka. Waxaan garan waayay halka la igala qaaday, oo wakhtigaas waxaan howlo dhinaca fanka ah ugu maqnaa Mareykanka", ayay tiri Nimco Cabdi.

Waxa ay cambaareyn kulul u jeedisay wariyihii soo tarjumay warkaasi iyo kii ka horeeyayba ee afka carabiga ku qoray, iyadoona sheegtay in loo baahan yahay in wariyayaashu dhowraan sumcadda fanaanka, khaas ahaan dumarka fanka ku jira.


Nimco Dareen ayaa sheegtay in ay tahay hooyo korsata caruur yar-ray, islamarkaana aysan arag rag soomaaliyeed oo ay jidka ka mari weysay, sida ku xusneyd maqaalkii hore ee laga faafiyay.

Mudo laga joogo iminka ku dhawaad laba bilood ayay aheyd markii maqaalkan ay ka carootay fanaanada uu ku soo baxay bogga Calanka isagoo bog carbeed laga tarjumay, waxaana ka gadaal ay bixisay fanaanadu dhowr wareysi oo ay ku cambaareyneyso warkaasi balse waa markii ugu horeysay oo ay xiriir la soo sameyso shakhsiyan Calanka.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia